Al-shabaab ayaa xukun toogasho ahaa ku fuliyay wiil aabihiisa dilay.
Cumar Abkow Xasan oo 30 jir ah ayaa lagu soo eedayay inuu dilay aabihiisa kadibna uu god ku riday waxaana markii dambe uu ka hor qirtay maxkamadda Shabaab ee Shabeellaha Hoose.
Xukunkaan ayaa ka dhacay qeybo kamid ah Koonfur Galbeed Soomaliya ay shabaab heystaan..
Mid kamid ah qareenada Al-shabaab ayaa ku dhawaaqay xukunka ninkan oo noqday dil toogasho ah, kaas oo durba ka dhacay fagaarihii ay dadka isugu yimaadeen oo ku yaala gobolka Shabeellaha Hoose.

