Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar xalay lagu qaaday guri uu dagan yahay Sarkaal ka tirsan Nabadd Sugidda Maamulka Galmudug kaasi oo dhawaan ka yimid dhanka Maamulka Ahlusunaa Wajameeca.
Sarkaalka gurigiisa la weeraray ayaa magaciisa lagu sheegay Cabdullaahi Cabdi Raage,waxaana hoygiisa oo ku yaala Degmadda Guriceel lagu tuuray bambadda gacanta laga tuuro.
Sida ay xaqiijiyeen sarkaalkii ka Tirsan Maamulka Galmudug,Sarkaalka ayaa ka badbaaday qaraxa,waxaa saakay socda baaritaano lagu baadigoobayo ragii ka dmbeeyay falkaan.
Dhacdadaan ayaa imaaneysa xili khilaaf u dhaxeeya wadaado kala duwan uu ka taagan Yahay Degmadda guriceel,waxaana Mas’uuliyiinta Ahlusuna ee laga saaray magaaladda ay ka digeen in falalkii Al-shabaab lagu soo celiyo Degmadda guriceel.

