In ka badan 50-xildhibaan oo ka Tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo xalay kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay ka shaqeynayaan badbaadinta Masiirka ummadda Soomaaliyeed, ayna ka shaqeynayaan qabsoomida doorashada qof iyo cod ah oo dalka ka dhacda.
Xildhibaanadda oo u badan kuwa Taageersan Madaxtooyada Soomaaliya ayaa aamisan in dalka lagu qaban karo doorasho qof iyo cod islamarkaana meesha laga saaro qorshaha Maamul goboleedyadda ee ah in la qabto doorasho dadban.
Dhanka kale warar soo baxaya ayaa sheegaya in guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya uu ku dhawaqi doono in 2 sano oo mudo kororsi ah, oo Xukuumadda cusub dalka ku gaarsiinayso doorasho qof iyo cod ah.
Tan iyo markii xilka laga qaaday Raisulwasaarihii Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre waxa uu dalka galay mashquul siyaasadeed,waxaana magaaladda ka socda kulamo loogu hadlaayo magacaabistiisa, iyo muddo kordhin.

