Waare:-“Xildhibaankii Kursigiisa Xawishtay Haku Bishaareysto Masoo Noqonayo”,!

0

Madaxweynaha Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa  ka qeybgalay kulanka  rasmiga ah ee Shirka wadatashiga Madaxda Dowladda Federaalka ah iyo Dowladdaha xubnaha ka ah.

Kulankan ayaa dhexmaraya Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre, Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed iyo Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare.

Madaxweynaha Hir-shabeelle ayaa ku baaqay in laga wada shaqeeyo sidii dalka Doorasho ugu dhici laheyd.

Dhanka kale Madaxweynaha Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa fariin u direy Xildhibaanadda kurastooda la xawilay.

“Xildhibaankii kursigiisa isku dayay inuu Dhabarka ku qaato oo kalsooni daro dadkiisa Uga cararay haku bishaareysto in uusan soo Noqoneyn”ayuu yiri Madaxweynaha Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here