Wasiir Goodax oo Sheegay in La Xirey Dad Qalqal Geliyay Imtixaanka Shahaadiga

0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federalka Somaliya Cabdulaahi Goodax Barre, ayaa sheegay Booliska inay xireen shaqsiyaad qayb ka qaatay iski day qalqal gelinta Imtixaanka Shahaadiga Dugsiga Sare ee maanta la soo gaba gabeynaayo.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa bulshadda ayuu ku sheegay in laamaha amaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ay xireen shaqsiyaad la tuhmaayo.

“Waxaan baraha bulshada ku arkay muuqaal been abuur ah oo dano siyaasadeed laga leeyahay si loo qal-qal-geliyo imtixaanka Qaranka ee Dugsiga Sare, isla markaana lagu marin habaabinayo carruurta Soomaaliyeed iyo guud ahaan bulshada.

Waxaan horay u soo xer-xernay dad faro badan oo ku howlanaa qal-qal-gelinta imtixaanka. Waxaan sidoo kale si adag ula xisaabtami doonna dhammaan dadka caadeystay in ay imtixaanka siyaasadeeyaan.

Waxaan ka codsanayaa dhammaan ubaxa ummadda Soomaaliyeed ee qiimaha badan in aysan saameyn ku yeelan dadka u istaagay in ay idin niyad jabiyaan, waxaa tihiin mirihii dalkaan, waxaana idin rajeynayaa birrito oo ah maalintii u danbeysay imtixaanka in ilaahay idin fududeeyo.

Waxaan u mahadcelinayaa dhammaan howlwadeennada imtixaanka sida ammaanada leh ee aad waajibaadkiina Qaran u gudaneysaan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here