Magaaladda Dhuusa-mareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug ayaa maanta martigalinaysa Wajiga Labaad ee Shirka Dowlada Dhexe iyo Maamul Goboleedyadda.
Shirkaan waxaa ka qeyb galaya Madaxweynaha, Raisulwasaaraha iyo madaxweynayaasha Maamul Goboleedyadda dalka ka jira.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Madaxda Maamul Goboleedyada qaarkood, ay ka horyimaadeen in shirka laga soo qaybgeliyo Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish), balse Villa Somalia ayaa dadaal badan ku bixisay, sidii uu madasha ugu soo biiri lahaa.
Wajiga Labaad ee Shirka Dowlada Dhexe iyo Maamul Goboleedyadda ayaa looga hadli doonaa xaaladda guud ee dalka iyo arrimaha doorashooyinka, oo la isku khilaafay.

