laba Ruux ayaa geeriyooday, ku dhawaad 10 kalena way dhaawacmeen, kadib markii Nin ku hubeyssnaa Qoriga AK47 uu rasaas ku furay Meel Mingiska lagu tumo oo ku taalla Degmada Warta Nabadda.
Aabaha dhalay Wiilka Dhalinyarada ah ee rasaasta lagu furay Goobta ku geeriyooday ayaa sheegay in Wiilkiisa oo lagu Magacaabi jiray Saleemaan Maxamed Mahdi uu daawasho u tegay Guriga oo deris la ah oo ku yaalla agagaarka Masjidka xaaji Yuusuf, isla markaana meydka wiilkiisa uu Goobta ka qaatay.
Wararka ayaa intaas kusii daraya in Ninkii hubeysnaa uu goobta ka baxsaday, isla markaana waxaa goobta gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya oo xiray aaga uu falka ka dhacay.

