Faah-faahin;-Qarax Ka Dhacay Magaaladda Muqdisho

0

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax  Caawa ka dhacay Magaaladda muqdisho, ee Caasimadda Soomaaliya.

Qaraxaan ayaa ka dhacay Isgoyska Taleex ee Degmada Hodan, gaar ahaan afaafka hore ee maqaaxida Creams.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Qaraxa uu ahaa Miino la dhigay wadadeeda dhinaceeda,islamarkaana la qarxiyay.

Inta la xaqiijiyay 3-ruux ayaa ku dhaawacantay qaraxa ka dhacay Magaaladda muqdisho,

Dhanka kale Qaraxan waxaa uu ku soo aadayaa, xilli Magaalada Muqdisho ay toddobaadyadii la soo dhaafay ku soo badanayeen qaraxyada. Qaraxyadaas oo laba ka mida ay ismiidaamin ahaayeen.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here