Al-Shabaab oo War Kasoo Saaray Qaraxii uu Ka Badbaaday Gen Odawaa

0

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda Qarax maanta ka dhacay Magaaladda Muqdisho Kaasi oo lala beegsaday Taliyaha Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Gaari walxaha qarxa lagasoo buuxiyay ayaa lagu dhuftay kolonyo gaadiid ah oo gelbinayay Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage xilli uu marayay inta udhaxaysa Tarabuunka iyo isbitaalka Xoogga ee degmada Hodon.

War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayay ku sheegatay mas’uuliyadda qaraxa lagu beegsaday Jeneraal Odawaa

“Al-shabaab ayaa camaliyad istish-haadi ah ku beegsaday taliyaha Taliyaha Ciidamadda Xoogga dalka xilli uu marayay agagaarka wasaaradda G/dhigga” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab.

Al Shabaab ayaa khasaaraha ka dhashay weerarkan ku sheegtay 5 askari dhimasho ah, 9 askari dhaawaca ah oo dhammaantood ahaa istaafka gaarka ah ee Jeneraal odawaa iyo sidoo kale burbur gaaray sedax gaari oo kamid ahaa kolonyadii uu la socday sarkaalka labeegsaday.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here