Akhriso:-Dib u Dhac Ku Yimid Shirkii Dowladda Dhexe iyo Maamul Goboleedyadda

0

Waxaa maanta oo sabti ah baaqday shir dhexmari lahaa Madaxda Dowladda Dhexe ee Soomaaliya iyo Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada kaasi oo ka dhici lahaa Magaaladda Muqdisho.

Shirka oo qabsoomi lahaa inta u dhaxaysa 5-8 Luulyo, 2020 ayaa ajandihiisu ahaa sidii wadatashiyo ballaaran looga yeelan lahaa doorashooyinka dalka, arrimaha amniga, dagaalka ka dhanka ah kooxaha argixisada, dhammeystirka dib u eegista dastuurka iyo horumarinta dhaqaalaha dalka.

Maamuladda Puntland iyo Jubbaland ayaa ka horyimid ka qeyb galka Shirka, waxayna ugu baaqeen madaxda Dowladda in ay ilaaliyaan Dastuurka dalka.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), ayaa dhowr jeer shirar ku casuumay Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyadda,balse taasi waa dhici weysay.

Khilaafka u dhaxeeya Dowladda Dhexe iyo maamul Goboleedyadda oo soo jiitamayay sanado ayaa sababay in ay kulmi waayaan labadda dhinac,ayna hawadda isku mariyaan eedeemo.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here