Faah-faahin:-Nin curyaan ahaa oo Xalay Lagu dilay Magaalada Baydhabo

0

Wararka ka imaanaya Magaaladda Baydhabo ee Caasimadda KMG ah ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa ku waramaya in Xalay magaaladaas lagu dilay Nin Cuuriyaan ahaa oo si weyn looga yaqaanay Gobolka Baay.

Kooxo qoryo ku hubeysnaa ayaa ninkaan ku weeraray hoygiisa oo ku yaala xerada barakacayaasha Albaraka, oo ku dhow Garoonka Shaati-gaduud ee Magaalada Baydhabo.

Ninka la dilay ayaa lagu magacaabi jirey Shariif Mukhtaar ayaa waxaa lagu dhex dilay hoygiisa.

Ala ha u naxariistee waxaa ninka la dilay uu ahaa  Gudoomiyaha Xerada Albaraka, oo ay degan yihiin dad barakacayaal ah.

Ilaa haatan lama oga sababta loo dilay Ninkaan,mana jirto cid sheegatay mas’uuliyadda dilka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here