Faah-faahin:-Qarax Khasaare Geystay oo Ka Dhacay Magaaladda Muqdisho

0

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax khasaare geystay oo xalay ka dhacay Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Qaraxaan ayaa ka dhacay xaafad ku dhow Aargada laga galo degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir.

Qof kamid ah dadka deegaanka ayaa idaacadda Simba u sheegay in qaraxa uu xooganaa,islamarkaana uu khasaare u geystay caruur goobta ku sugneyd.

Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxa ku dhintay laba caruur ah, mid kalana wuu ku dhaawacmay, sida goobjoogaha uu sheegay.

Weli ma kala cadda in qaraxan uu ahaa haraaga hub caruurtu ku ciyaareen iyo inuu ka dhashay qarax goobta la dhigay oo la doonayey in weerar lagu fuliyo.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here