Mareykanka oo Sheegay In Ciidamadda DFS Aysan Laheyn Awood ay Shabaab Uga Adkaan

0

Waaxda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa sheegtay in ciidammada Soomaaliya aysan laheyn awood ay Al Shabaab uga saari karaan deegaannada ay ku xooggan yihiin.

‘Dalku wuxuu si weyn ugu tiirsan yahay tageerada ay siiyaan dalalka shisheeye gaar ahaan dadaallada ay geliyaan arrimaha amniga’ ayaa lagu yiri warbixin ku saabsan howlaha argagixisada sannadka 2019-ka ee uu Mareykanku soo saaray.

Warbixinta ayaa sidoo kale lagu sheegay in ‘Al Shabaab’ uu dakhli kasoo galo dhoofinta dhuxusha iyo canshuurta ay qaadaan ganacsatada iyo shacabka’

Xarakadda Al Shabaab ayaa gacanta ku haysa deegaanno badan oo ka tirsan dalka, waxay sidoo kale weeraro ka geysteen dalka Kenya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here