Faah-Faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax Ismiidaamin ahaa oo saakay ka dhacay afaafka hore ee xerada Turkisom ee ku taala degmada Wadajir ee Goboka Banaadir.
Sida la xaqiijiyay qof isku soo xirey waxyaabaha Qarxa ayaa tagay meel ku dhow xiradda,waxaana xiligaas halkaas ku sugnaaa dhalinyaro Ciidanimo loo tababarayay,wuxuuna doonayay in uu isku daro.
Ciidamada ilaalada xerada ayaana la sheegay in ay ka shakiyeen ninkaasi waxyaabaha qarxa jirkiisa kusoo xiray kadibna halkaasi ku toogtay.
Qaraxa ku xirnaa ninkaasi ayaa sidoo kale la sheegay in uu ku qarxay markii la toogtay, waxaana jira khasaaro dhimasho iyo mid dhaawac oo ka dhashay qaraxan ka dhacay afaafka hore ee xerada Turkisom.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in qaraxa ay ku dhaawacmeen qaar kamid ah dhalinyradii goobta ku sugneyd.
Dhanka kale Goobta uu Qaraxa ka dhacay waxaa Gaaray laamaha amaanka Dowladda Soomaaaliya, waxaana socda baaritaano.

