Wada-hadalkii Jubuuti ugu Socday Somaliya iyo Somaliland oo Qodobo laga Soo Saaray

0

Dowladda Jabuuti ayaa saqdii dhexe ee xalay ku guuleysatay in ay markale isa soo horfariisiso guddiyadii Dowladda Federaalka iyo Somaliland ku metelayay wadahadalada,kuwaasi oo xalay xili hore isfamwaa ku kala tagay.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Jabuuti, Maxamuud Cali Yuusuf ayaa saacado ka dib ku guuleystay in saqdii dhexe ee xalay uu markale miiska wadahadalada isugu keeno labadii guddi,kadib loo tanasulay Somaliland, meeshana laga saaray qodobadii dhaliyay in shirka lagu kala kaco markiisii hore.

Ugu dambeyntii waxaa shirka laga soo saaray shan qodob ayaa waxaa warbaahinta u akhriyay Maxamuud Cali Yuusuf, Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti.

Dhinaca Dowladda Somaliya waxaa u u saxiixay Wasiirka Arrimaha Gudaha, Cabdi Maxamed Sabriye, iyadoo uu dhanka Somaliland u saxiixay Wasiirkeeda Arrimaha Dibadda, Yaasiin Xaaji Maxamuud (Faratoon).

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here