Guddoonka golaha wakiilada ee Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa si adag uga hadlay islamarkaana jawaab ka bixiyey warqaddii shalay kasoo baxday madaxtooyada Dowladda Federaalka Soomaaliya.
War qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska Guddoomiyaha golaha wakiilada Dowlad goboleedka Jubbaland Mudane Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan ayaa lagu sheegay in warqaddii kasoo baxday Villa Somalia ay gebi ahaanba baalmarsan tahay shuruucda dalka.


