Hoggaanka Madasha Xisbiyada Qaran gaar ahaan Madaxweyneyaashi hore mudane Sheekh Shariif Sh. Axmed iyo Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo caawa hadal ka jeediyey Muqdisho ayaa si’ adag uga hadlay xaaladda dalka, waxay ku eedeyeen Madaxweyne Farmaajo inuu ka gaabiyay masuuliyadda lagu aaminay gaar ahaan maareynta Marxaladda kala guurka ee doorashooyinka, xiriirka maamul goboleedyada iyo hir gelinta fedraalka, xiriirka wadamada gobolka gaar ahaan fasirka is dhex galka Itoobiya, Eretria iyo Somalia.
Madaxweyneyaashi hore ayaa ugu baaqay Madaxweyne Farmaajo inuu shacabka la hadlo, waxay ku adkeeyeen inaan lala sugi doonin inta uu muddo xileedkiisa sharciga ah dhamaanayo ee laga gaarayo Feb. 8 2021.
Xasan Sheekh Maxamuud oo ah madaxweynihii kursiga ku wareejiyay madaxweyne Farmaajo, ayaa walaac ka muujiyay in xiligan oo waqtigu gabaabsiga yahay ay madaxda Villa Soomaaliya ku murmayaan in dalkan doorasho ka dhici karto iyo inkale.
Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed oo isagu madax u ah madasha ay ku midoobeen inta badan xisbiyada mucaaradka ku ah dowladda, ayaa hadalkiisa xoogga ku saaray fara gelinta gudaha ah ee dowladda Itoobiya ay ku heyso gudaha dalkan.
Wuxuu kaloo soo hadal qaaday dhibaatooyinka ay dalka iyo dadka u geystaan Ciidamada aan AMISOM ka tirsaneyn ee ka socda xukuumada Adis-Ababa, wuxuuna dhibaatooyinka ay geystaan dusha uga riday madaxda sare ee dalkan waqtigan maamusha.
Ugu horeyntii Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ayaa ka hadlay doorashadda Soomaaliya ka dhacaysa,wuxuuna sheegay in Dowladda Madaxwyne Farmajo ay ku fashilantay hogaminta dalka,islamarkaana aysandiyaar u aheyn qabashadda Doorashadda.
Dhanka kale Madaxweyne Shariif Shiikh axmed ayaa soo dhaweeyay hadalkii shalay kasoo baxay Golaha aqalka Sare ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ee ku aadanaa in la xaliyo khilaafka Dowladda Dhexe iyo Maamul Goboleedyadda.
Madaxweynihii Hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Shiikh Axmed ayaa ku dhaliilay Dowladda Madaxweyne Farmaajo in ay shacabka ay ka qarinayso qorshaha Ethopia ay ka leedahay Soomaaliya,wuxuuna Madaxweynaha ugu baaqay in shacabka la wadaago arrimaha ethopia ee Soomaaliya.
Dhanka kale Waxa uu talo ahaan u soo jeediyay in sharciga la horgeeyo ciidamada Ethopia, si loogala xisaab tamo dhibaatooyinkii ay geysteen.
Hadaladda kasoo yeeray Xasan Sheekh iyo Shariif Sheekh Axmed ayaa ka danbeeyay kadib kulan ay galabta la yeesheen gudoomiyaha golaha Shacabka iyo kuxigeenkiisa, kulankaas ayaa ku soo idlaaday fashil, maadaama madaxdii hore ee dalka ay iska diideen hadafkii kulankaa ee ahaa in caawa ay Villa Soomaaliya madaxdii sare ugu tagaan madaxweyne Farmaajo, si loo wada hadlo

