Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa beeniyay warar la baahiyay maalin ka hor oo ku aadan xubno ka socda Koonfur Galbeed in ay is hor istaag ku sameeyeen wada-hadalo dhexmari lahaa dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada dalka.
Qoraal kasoo baxay xafiiska madaxweynaha maamulka koonfur Galbeed Soomaaliya C/casiis Lafta-gareen ayaa lagu sheegay in warkaas uu yahay been abuur,islamarkaana ay xiriir wanaagsan ay la leeyihiin Dowladda Dhexe.
Sidoo kale waxaa qoraalka lagu sheegay In Dowladda Dhexe iyo Maamul Goboleedyadda Guddiyo ka socda ay ka shirsan yihiin shir la iskugu keenayo Madaxda Dowladda Dhexe iyo Maamul Goboleedyadda iyo waxyaabaha looga hadlaayo.


