Mas’uul Ka Tirsanaa Maamulka Somaliland oo Ku Geeriyooday Dalka Turky-ga

0

Mas’uul ka Tirsanaa Maamulka Somaliland ayaa xalay ku geeriyooday dalka Turky-ga.

Gudoomiyihii Gobolka Togdheer, Xamse Maxamed Cabdi, ayaa mudooyinkii dambe xanuunsanayay,wuxuuna xalay ku geeriyooday dalka Turky-ga oo dhawaan loo qaaday,kadib markii uu ku dhacay Carona-virus.

Geeridda Gudoomiyihii Gobolka Togdheer, waxaa xaqiijiyay Maxamed Cabdullaahi Ibraahim (Nafaqo), Gudoomiye Kuxigeenka Gobolka Togdheer.

Gudoomiye Kuxigeenka ayaa tilmaamay in muddooyinkii ugu dambeysay uu Gudoomiyuhu ahaa bukaan-yaal, isagoona ka tacsiyadeeyay geerida ku timid.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here