Xildhibaan Daahir Cabdiqaadir xaaji Cirro oo ah xildhibaan hore oo soo maray barlamaanka dalka ayaa isaga oo wareysi gaar ah siinayay idaacada simba ee magaalada muqdisho waxa uu ka hadalay hadal uu dhawaan barlaamaka ka hor sheegay madaxweynaha Jfs maxamed abdulahi farmajo kaasi oo ahaa in dalka ay ka dhacayso doorasho waqtigeeda ku dhacda
Xildhibaan Daahir Cabduqaadir xaaji cirro ayaa waxa uu sheegay in uu dhageystay hadalka madaxweyne islamarkaasna waxa uu sheegay in madaxweynuhu uu san carababin nuuca doorasho ee dalka ka dhici karta taasi oo uu ku macneyay in ay tahay in madaxweynaha iyo raisual wasaaraha ay damacsan yihiin mudo kororsi
Xil daahir. Waxa uuna tilmamay in gudiga barlamaanka ee u xilsaaran doorashooyinka dalka ay san ka muuqan wax dadaal ah oo ku aadan doorashada lafilayo in ayka dhacdo dalka oo ay wadaan waxaana uu madaxda dalka ku eedeeyay in ay doonayaaan in xiliga uu ku egyahy ku mudo xileedkoodu ay ku darsadaan waqti ka dheeriya
Dhankle xil daahir cabdiqaadir xaaji ciro ayaa sheegay in dalka aysan ka dhici karin doorasho qof iyo cod ismarkaasna marka lafiiriyo xaalada dalka uu hatan ku jiro aysan marnaba suurta gal aheyn in dalka ay ka dhacdo doorasho qod iyo cod ah,
Iskusoo wada duubo madaxda ugu sareysa Dowlada faderaalka somalia ayaa waxa looga fadhiya doorasho xor iyo xalal ah oo dalka ka dhacda kuna dhacda eaqtigeeda marka la gaaro horaanta sanada 2021 oo ku egyahay muddo xileedka madaxda haatan talada heysa ee dalka Oo haadtan ay u hartay oo kaliya wax ka yar sideed bilood

