Taliska Xooga dalka oo War Kasoo Saaray Dhacdadii Deegaanka Gololeey

0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka S/guuto Odawaa Yuusuf Raage oo caawa shir jaraa’id Ku Qabtay Magaalada Cadaado ayaa sheegay in xoogga dalku aysan wax lug ah ku lahayn dhacdadii dadka lagu laayey ee ee degaanka Gololeey Gobolka Shabeelaha Dhexe.

“Ciidanka Xoogga dalka shaqo kuma laha dhacdada lagu xasuuqay dhalinyarada dhaqatiirta aheyd ee ka shaqeynaysey xarunta Caafimaadka Gololey, suuragalna ma aha in askar ka tirsan ciidanka xoogga dalka oo damiir dadnimo leh ay falkaas geysnayaan.

Dhinaca kale waxa uu sheegay in xoogga dalku uu wado baaritaan iyo hawlgal dhacdadaasi ku aadan,

Rag ku lebisnaa dareyska ciidanka DF oo wejiyada soo qarsaday gaari nooca dagaalka ahna la socday ayaa nolosha ku watay ka dibna laayey  8 qof oo ka shaqeynayay xarun Caafimaad oo degaanka Gololey ku taalla.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here