Al-Shabaab ayaa xukun dil ahaa ku Fuliyay nin la sheegay in uu horey dil u geystay.
Xukunkaan ayaa ka dhacay Fagaare ku yaala Degmadda Ceelbuur ee Gobolka Galguduud ee bartamaha dalka Soomaaliya.
Ninka Xukunka dilka lagu Fuliyay ayaa lagu Magacabaa Max’med Jiinoow Jimcaale.
Maxkamadda Al-shabaab ee Gobolka Galgaduud ayaa Xukunka riday,kadib Maxamed uu dilay bishii ramadaan nin la oran jiray Cabdullaahi Daahir Cali.
Ehellada ninkii uu horay udilay gacan ku dhiigle Max’med Jiinoow ayaa qisaas dalbaday sidaas ayaana goob fagaare ah loogu qisaasay gacan ku dhiiglaha.

