Taliyaha hoggaanka Caafimaadka ciidamada Booliska Somaliya Jeneraal Cali Xersi Barre Cali Gaab, ayaa ka hadlay qaraxii saakay ka dhacay magaaladda muqdisho,kaasi oo la doonayay in lagu khaarijiyo.
Taliye Cali Gaab oo warbaahinta kula hadlay magaaladda muqdisho ayaa sheegay in gaariga la qarxiyay uu ku tagay xafiiskiisa xili hore ee saakay,islamarkaana markii uu kasoo laabtay la qarxiyay.
Waxa uu sheegay in gaariga uu doonayay in uu soo qaado sarkaal kale oo ka Tirsan Booliska Soomaaliyeed,balse lagu qarxiyay inta u dhaxeysa Isgoyska Banaadir iyo dhismihii hore ee Wakaalada Biyaha.
Sidoo kale waxa uu sheegay in qaraxa uu ku dhintay mid kamid ah ilaaladiisa uu lagu magacaabi jirey Xamse Xasan Maxamed,seddex kalana ay dhaawacyo soo gaareen.
Al-shabaab ayaa inta badan ayaa sheegta, qaraxyadda ka dhaca Magaaladda muqdisho.

