Qadar oo Ka Hadashay Qaraxii Ka Dhacay Magaaladda Gaalkacyo

0

Dowladda Qatar ayaa kahadashay qarax ismiidaamin ah oo shalay kadhacay magaalada gaalkacyo ee xarunta gobalka mudug qaraxaasi oo lagu dilay masuuliyiin katirsan maamulka gobalka mudug ee dowlad gobaleedka puntland.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda dalka Qatar ayaa waxaa si kulul loogu cambaareeeyay qaraxii shalayto lagu dilay gudoomiyihii gobalka mudug ee dowlad gobaleedka puntland iyo qaar kamid ah ilaaladiisa kuwaasi oo marayay qeybo kamid ah magaalada gaalkacyo ee xarunta gobalka mudug.

Wakaalada wararka dowladda Qatar ee lagu magacaabo Qatar News Agency “QNA” oo soo xiganeysa wasaaradda arrimaha dibadda dowladda ayaa qortay in dowladda Qatar ay sikulul ucambaareysay qaraxii shalayto kadhacay bartamaha Somalia waxaana dowladda Qatar ay maamulka puntland iyo shacabka somaliyeed uga tacsiyadeysay geeridii kutimid gudoomiyihii gobalka mudug ee puntland iyo qaar katirsan ilaaladiisa waxaana dowladda Qatar ay sheegtay in garabtaagantahay shacabka somaliyeed.

Weerarkii isqarxinta ahaa ee ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa waxaa ku dhintay Guddoomiyihii Gobolka Mudug Puntland Axmed Muuse Nuur iyo Saddex kamid ah ilaaladiisa waxaana qaraxan uu noqonayaa kii labaad oo lagu dilo gudoomiye gobol muddo 3 bil gudahood ah deegaanada maamulka puntland iyadoona horay sidaan oo kale qarax ismiidaamin ah lagu dilay gudoomiyihii gobalka Nugaal ee maamulka puntland.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here