Qarax Ka Dhacay Gaalkacyo, iyo Gudoomiyihii Gobolka Mudug oo Lagu Dilay

0

Faah-Faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax  ka dhacay Goordhaweyd magaladda gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Qaraxa ayaa ka dhacay meel ku dhow Xarunta Maamulka Gobolka Mudug ee Puntland,waxaana jira khsaare ka dhashay qaraxa.

Sida ay inoo xaqiijiyeen goobjogayaal qaraxa waxaa fuliyay nin isku xiray waxyaabaha qarxa,kaasi oo isku qarxiyay xarunta Maamulka Gobolka Mudug ee Puntland ee Magaaladda Gaalkacyo ay ku sugnaayeen mas’uuliyiin kala duwan.

Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxa ku dhintay Guddoomiyihii Gobolka Mudug ee Puntland Axmed Muuse Nuur-Yarre,oo ku sugnaa Xarunta Gobolka oo u dhow Madaxtooyada.

Dhanka kale Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa maamulka  Puntland ayaa gaaray halka uu qaraxa ka dhacay, waxaana socda gurmad kala duwan oo loo fidinayo dadka ku waxyeelobay qaraxaasi.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here