Midowga yurub ayaa kudhawaaqay in lacago malaayiin ah uu kutaageerayo waddamada dhaca geeska Africa lacagahaasi oo la doonayo in wax looga qabto xaaladaha bani,aadanimo ee kajira gobalka kuwaasi oo ay kamidyihiin iskudhacyada hubeysan,barakaca iyo sidoo kale fatahaadaha kajira qeybo kamid ah gobalka geeska Africa.
Qoraal kasoo baxay midowga yurub ayaa waxaa lagu yiri ”midowga yurub waxaa ka go,an in ay bixiyaan caawinaad iyo gargaar bani,aadanimo ayna siiyaan waddamada dhaca gobalka geeska Africa ,iyadoo ay jiraan dhamaan caqabado iyo waqtiyo adag,midowga yurub waxa ay taageereysaa bulshada qatarka ugu jirta gaajada si loo xoojiyo noloshooda loogana hortago faafida cudurka carona Virus,musiibada caalamka waxa ay ubaahantahay in looga jawaabo si caalami ah”.
Taageerada maaliyadeed ee ay kuyaboohday midowga yurub ayaa waxa ay kalayihiin 500,000 oo loogu deeqay dalka Djbouti,42 milyan oo loogu talagalay dalka Ethiopia,15 milyan oo lasiin doono Kenya iyo 48 milyan oo loogu deeqay waddanka Somalia.

