Khilaaf Soo Kala Dhexgalay Qoor-qoor iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmdug+Dhageyso

0

Wararka ka imaanayo Maamulka Galmudug aya kusoo waramaya in saacadihii lasoo dhaafay uu xoogeystey khilaafkii u dhexeeyey Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor  iyo Gudoomiyaha Barlamaanka Galmudug Dr Maxamed Nuur Gacal Kadib Markii ay isku fahmi waayeen kulamo ay uga wada hadlayaan magacaabis Wasiiro  ku xigeenada iyo wasiiru dowlayaasha Maamulkaasi

khilaafkan ayaa yimid karib markii uu  dhawaan Madaxweynaha Maamulka Galmudug  magacaabey Golaha wasiiradda Maamulka Galmudug kaasi oo lagu eedeyey in uusan la tashan Odayaasha dhaqanka iyo wax garadka Maamulkaasi ayadoona Mas’uuliyiinta Galmudug iyo  shacab Maamulka Galmudug ay walaac ka muujiyeen in Galmudug ay marto waddadi ay mareen Maamuladdi ka horeeyey  Madaxweyne Axmed Cabdi kaari qoorqoor  waxana lasheegey  in khilaafkan  uu rajo xumo ku abuurey Bulshada Ku dhaqan Maamulka Galmudug kuwaas oo uhanqal taagayey Galmudug israacdo islamarka aysan umuuqanin mid hirgali  doonto siday sheegay  Masuuliyiin katirsan maamulkaasi

wasiir ku xigeenkii hore wasaradda  Gaadiidka Galmudug C/samad  yuusuf Cimli oo lahadlay Idaacad Simba ee magaalaga Muqdisho ayaa sheegey in Madaxweyne Axmed Cabdi kaariye uu isku badaley kaligiis talis islamrkaana uusan la tashan gudoonka Golaha sharci dajinta   iyo ku xigeenadiisa iyo sidoo kale Beelaha ay matalaaan ee Degan Deegaanaddi Maamulka Galmudug .

Wasiir ku xigeenka oo sii hadlaya ayaa  sheegey in Madaxweybe qoorqoor uusan wax war ah ka haynin sida Galmudug lagu soo dhisey asaga oona  walaac ka muujiyey sii jiritaanka Maamulka Galmudug Madaama uu khilaaf ka soo cudboonaadey Maamulkaasi waxana uu sheegey In laga Cabsi qabo in Xillibaanada ay mooshin ka  diyaariyaan Madaxweyne Axmed Cabdi kaariye Qoorqoor

Dhawaan ayey aheyd markii Madaxwegne Axmed Cadbi kaaaruye Qoorqoor uu soo magacaabey Golaha wasiiradda Maamulka Galmudug kuwaas oo lasheegey in aysan Ku imanin rabitaanka shacabka  Dega Deeganada Galmudug islmarkaana aaan lagala tashay Golaha Sharci dajinta iyo Beelaha ay matalayaaan ayadoona khilaafka udhaxeeye madaxweynaha Galmudug iyo Gudoomiha Barlamaanka la ga cabsi qabo in uu jiritaanka Galmudug uu dib ugu Celiyo is qabqabsigii  Maamulaadi hore ee soo jiitamaayey muddi dheereed oo ayka nasteen Bulasha  kunool Maamulka Galmudug.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here