
Wararka ka imaanaya Magaaladda Garoowe Ee Caasimadda Maamulka Puntland ayaa ku waramaya in ay kordheen kiisaska la xiriira Caabuqa Carona-Virus.
Wasaaradda Caafimaadka Puntland ayaa xalay shaacisay in 13 bukaan oo cusub laga helay xanuunka COVID-19 kadib baaritaan shalay lagu sameeyay dad gaaraya 23 ruux.
Dadka xanuunka laga helay ayaa 10 kamid ah ku sugan yihiin magaaladda Garoowe ee caasimadda Puntland halka saddexda kalena ay joogaan degmada Waaciye ee gobolka Karkaaar.
Kiisaska Caabuqa Carona-Virus ee Deeganadda maamulka Puntland ayaa haatan gaaray 51-ruux, oo ay ku jiraan marxuum u geeriyooday cudurka iyo mid ka bogsaday.
