Faah-faahin:-Kooxo Hubeysnaa oo Xalay Dilay Macalin Dugsi Qur’aan

0

Wararka ka imaanaya Degmadda Afgooye ee Gobolka Shabeelaha hoose ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa ku waramaya in kooxo hubeysnaa ay xalay Degmadaas ku dileen Macalin Dugsi Qur’aan.

Falka ayaa dhacay xalay xiligii afurka,waxaana macalinka la dilay uu ku sugnaa hoygiisa oo ku yaala Degmadda Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Goobjoogayaal ayaa inoo sheegay in ragga hubeysnaa ay Macalinka dhowr xabadood ku dhufteen,islamarkaana uu goobta ku geeriyooday.

Ilaa haatan lama oga sababta loo dilay macalinka dhigayay dugsi qur’aanka Degmadda Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Dhanka kala mas’uuliyiin ka Tirsan Maamulka Degmadda Afgooye oo gaaray goobta uu dilka ka dhacay ayaa ilaa haatan aan ka hadlin dilka,waxaana jirey howlgal la sameeyay oo dhalinyaro badan lagu qabtay markii dambe.

Shabaab ayaa inta badan sheegta Mas’uuliyadda dilalka ka dhaca Degmadda Afgooye.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here