Maamulka Puntland ayaa xaqiijiyay in lacag gaaraysa 1-Million ay ka heleen Dowladda Dhexe ee Soomaaliya.
Gudigga Sare ee Puntland u qaabilsan Gurmadka Fatahaada Magaalada Qardho, oo xalay warbaahinta kula hadlay Qardho, ayaa ka warbixiyay halka uu marayo Gurmadka.
Wasiir Maaliyada Puntland Xasan Shire Abgaal, oo ka tirsan Guddiga Gurmadka Qardho, ayaa ugu horrayn sheegay in lacag dhan hal Milyan oo Dollar, oo loogu tala-galay Gurmadka Fatahaadda, ay Dowlada Federaalka ah soo gaarsiisay Guddiga, islamarkaana wuxuu u mahad-celiyay Dowlada dhexe kaalinta ay ka qaadatay Gurmadkaas.
Sidoo kale waxa uu sheegay in deeq raashin ah oo ka timid Magaalooyinka Boosaaso iyo Garoowe uu Gudiggu la wareegay, Si guudna ay ugu mahad-celinayaan Maamulada degmooyinka iyo Shacabka ka qayb qaadanaya Gurmadka.

