Ciidamadda Amaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Degmadda Dharkinley ee Gobolka banaadir waxa ay ku dileen Laba Dhalinyaro oo Hubeysnaa.
Sida ay inoo xaqiijiyeen goobjoogayaal ragga la toogtay ee hubeysnaa ayaa la sheegay in ay rasaas isweedaarsadeen Ciidamadda amniga ka hor inta aysan dilin Ganacsade lagu magacaabi jirey Marxuum Daahir Maxamed Gaab.
Rasaastii la isweedaarsaday ayaa keentay in la dilo Labada Ruux ee hubeysnaa,waxaana hakad galay dhaqdhaqaaqa Goobta ay wax ka dhaceyn.
Sidoo kale waxaa la sheegay in ragga la toogtay ay maalmo ka hor ay dileen Ganacsade kale oo lagu magacaabi jirey axmed Dheere.



