Wararka ka imaanaya magaaladda Nairobi ee Caasimadda dalka kenya ayaa ku waramaya in Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed islaam (Axmed Madoobe), iyo Siyaasiyiinta kala ah Xildhibaan C/rashiid Xidig iyo C/naasir Seeraar Maax ay heshiis Ku gaarayaan maanta Magaaladaas.
Heshiiska waxaa garwadeen ka ah Siyaasiyiin reer Jubbaland ah iyo Xildhibaano kasoo jeedda Gobolka Woqooyi bari ee dalka kenya kuwaasi oo saameyn ku leh siyaasadda Dowladd Goboleedka Jubbaland.
Ilo lagu kalsoonan karo ayaa inoo sheegay in Axmed Madoobe iyo Xildhibaan C/rashiid Xidig iyo C/naasir Seeraar Maax ay maalmihii dambe kulamo ku yeelanayeen magaaladda Nairobi islamarkaana guulaha wada-hadalka lagu wado in saacadaha soo socda la shaaciyo
Qodobadda lagu heshiiyay waxaa kamid ah in Axmed Madoobe loo aqoonsado Madaxweynaha rasmiga ah ee maamulka Jubbaland,in siyaasiyiinta labadda ah ay la shaqeeyaan Maamulkiisa,islamarkaana deegaanka aan colaad loo horseedin.
Horraantii bishii Febuaray ayey aheyd markii xubnaha mucaaradka ee Jubbaland diyaarad Militari oo ay leedahay Kenya looga soo qaaday Magaalada Kismaayo, waxayna markii hore kulamo kala duwan la qaateen xubnaha ay Dowladda Kenya u xil saartay inay dhex dhexaadiyaan labada dhinac.
Bishii August ee sanadkii hore Dib u doorashadii Axmed Madoobe ayaa mucaaradada ugu weyn ee uu gudaha kala kulmay waxay ahaayeen C/rashiid Xidig iyo C/naasir Seeraar, kuwaasoo iyana si iskood ah Kismaayo ugu dhawaaqay in loo doortay Madaxweynaha Jubbaland.
August 9, 2019 Wasaraadda arimaha Gudaha Soomaaliya ayaa war ay soo saartay waxaa ay ku faah-faahisay go’aanka Dowladda Soomaaliya ee ku aadan doorashada Jubbaland iyo habka ay ku socoto.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS ayaa sheegtay in aan la aqbali doonin natiijo kasta oo baalmarsan Dastuurka & Shuruucda Dalka oo ka soo baxda Doorashada Jubbaland.

