Faah-faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa Hoobiyaayaal xalay laga maqlay Magaaladda Muqdisho.
Hoobiyayaasha ayaa la sheegay in lagu weeraray Xarunta Xalane ee magaaladda Muqdisho,halkaas oo dagan yihiin Ciidamadda AMISOM.
Hoobiyayaasha oo aan la garanayn halka laga soo tuuray ayaa waxaa laga maqlay Degmooyinka Dharkiinley, Wadajir, Hodan iyo Waaberi, ee Gobolka banaadir.
Ilaa haatan lama oga khasaaraaha ka dhashay Hoobiyayaasha lagu weeraray Xarunta Xalane ee Magaaladda Muqdisho.

