Puntland oo Awood Ciidan Ku Joojinaysa Salaadaha jimcaha iyo jameecaadka

0

Maamulka Puntland ayaa amar ku bixiyay in awood ciidan loo adeegsado masaajidda aan weli u hoggaansamin amarkii ka soo baxay Maamulka ee lagu joojiyay salaadaha jimcaha iyo Jameecaadka masaajidda, si looga hortago xanuunka COVID-19.

Qoraal xalay ka soo baxay guddi-hoosaadka Amniga Puntland, oo tixraacaya go’aankii hore ee Maamulka, ayaa lagu amray dhammaan hay’adaha Amniga Puntland, in ay dhaqan-geliyaan amarkii lagu joojiyay salaadaha jimcaha iyo jameecaadka.

Sidoo kale Guddiga ayaa la faray in ay tallaabo sharciga waafaqsan ka qaadaan cid kasta oo u hoggaansami weyda dhaqan-gelinta go’aankaasi Maamulka, si loo ilaaliyo badqabka dadweynaha isu’gu imaanaya masaajidda.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here