Wararka ka imaanaya Magaaladda beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa ku waramaya in ciidamo uu hogaaminayay Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cusmaan ay la wareegeen maanta Xarunta Maamulka.
Waxaa la sheegay in dagaal uusan goobta ka dhicin,islamarkaana ay isdhiibeen ciidamadii ilaaladda u ahaa Guddoomiyihii xilka laga qaaday ee Cali Maxamed Caraale.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Guddoomiyihii xilka laga qaaday Cali Maxamed Caraale uu isku dhiibay ciidamada Jabuuti ee ku sugan Galbeedka Magaaladda Beledweyne.

