Iyadoo 12-kii bishani aynu kugudi jirno xaflad kadhacday maamulka Galmudug uu xilka iska wareejiyay madaxweynihii hore maamulka Galmidug Axmed ducale Geelle Xaaf islamrkana uu xilka ku wareejiyay madaxweynaha cusub ee dhawan lagu dortay magalada dhusomareeb ee Axmed cabdi kaariye qoor-qoor , ayaa waxaa jiray warar xan ah oo sheegayay in Xaaf Dowladda Soomaaliya ay lacag farabadan siisay balse waxaa beeniyay qaar ka mid ah xildhibaanada Galmudug.
Xaaf oo kahadlay xaflad xil wareejinta ayaa sheegay in uu Tanaasulay madaxweynaha cusub Axmed cabdi kaariy Qoor-qoor iyo sidoo kale shacabka reer Galmudug.
Xildhibaan cabdiweli cali Maxamuud oo kamidaa xildhibanada maakulka galmidug oo simba wareysi siiye ayaa sheegay in go’aanka uu qaatay xaaaf uu ahaaa mid aad wanagsan isagoona sidoo kale Beeniyay wararka sheegaya in xaaf lacago siiyey si uu u tanaasulo waxa uuna shegay in xaaf isagu uu garwaaqsaday inuu u tanaasulo madaxweyne qoor-qoor isaga oo fiirinaya Danta shacabka reer galmudug
Dhan kale xildhibankani ayaa madaxweynaha cusub ee Galmudug Axmed cabdi kaariye Qoor-qoor uga digaya inuusan wada hadal lafurin mamulka Ahlusuna waljameca Waxaa u sheegay in Ahlusunna ay horay u bur-biriyeen degaanadasi Galmudug islmarkana maamulkoduna u Bur-Buray waaa sida uu hadalka u dhigaye xildhibaaan cabdiweli cali maxamud ooo katirsan xildhibanada mamulkasi galmudug
Dhawan ayeey aheyd markii xaaf uu sheegay inuu ut anaasulay madaxweynaha cusub ee Galmudug Axmed cabdi kaariye Qoor-qor iyadona xaaf lagu eedeyey in lacago uu qaatay dabadedna uu tunaasulay Balse ugu dambentii uu xildhibankani katirsan maamulka Galmudug uu Beeniyay.

