Magaaladda Kismaayo oo laga Helay Labadii kiis ee Ugu Horreeyay ee Corona Virus

0

Wararka Ka imaanaya magaaladda Kismaayo ee Caasimadda KMG ah ee maamulka jubbaland ayaa ku waramaya in Labadii kiis ee ugu horreeyay ee Corona Virus ah laga helay magaaladaas.

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha dowlad goboleedka Jubbaland Maxmaed Warsame Darwiish oo ah guddoomiyaha guddiga ka hortaga Caabuqa Corona Virus ee Jubbaland ayaa sheegay in labo ruux oo laga helay COVID-19 hadda lagu karantiilay Isbitaalka magaalada Kismaayo halkaasna lagula tacaalaayo.

Labadaan ruux ayaa noqonaaya kuwii ugu horreeyay ee la xaqiijiyay in ay qabaan xanuunka COVID-19 ee kusugan meel kamid ah dowlad goboleedka Jubbaland.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijisay in la diiwaan geliyay 35 xaalad oo cusub oo COVID-19 ah 24kii saac ee ugu dambeysay. Xaaladaha cusub 32 kamid ah waxay ku suganyihiin magaalada Muqdisho, labo waxaa laga diiwaan geliyay Hageysa, Booramana waxaa laga helay qofkii ugu horreeyay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here