Waxaa goor dhaweyd toogasho ka dhacday waddada xariirisa Muqdisho iyo Afgoye, dad goob joogayaal ah ayaa inoo xaqiijiyay in wiil dhallin yaro ah lagu toogtay inta u dhaxaysa muqdisho iyo Afgoye.
Wiilka dilka loo gaystay ayaa la sheegay in uu la socday gaari rakaab ah oo kusii jeeday dhanka Afgooye, waxaana la sheegay in gaariga uu wiilka la socday uu bacaad galay, kadibna uu wiilku isku dayay in uu caawiye darawalka gaariga kadibna waxaa kusoo baxay laba Askari kuwaas oo wiilka lugta gaariga qodayay Xabbado ku furay, ugu danbeyntiina halkaas ayuu ku geeriyooday marxuumkaas oo magaciisa lagu soo koobay Bashiir Xasan.
Waxaan ka waraysanay Qof Goob Jooge ah Hoos Ka Dhagayso Codka

