Wararka ka imaanaya Magaaladda Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa ku waramaya in xalay xaafadd katirsan magaaladaasi uu ka dhacay dil dad badan ka argagaxeen.
Nin ayaa xaaskiisa Toorey(Mindi), ku dilay kadib markii uu khilaaf soo kala dhexgalay.
Haweeneyda la dilay ayaa magaceeda lagu sheegay Shugri Indha Cad,waxaana la sheegay in ay kamid aheyd Haweenka qaadka ku iibin jirey gudaha Magaaladda Beledweyne.
Goobjoogayaal ayaa Sheegay in ninka dilka geystay iyo xaaskiisa uu soo kala dhax galay muran waxa uuna markaa kadib ku dhuftay toorey uu heestay oo dhaawac culus kasoo gaaray markii dembana u geeriyootay.
Ninka falkaan geystay ayaa isku dayay in uu baxsado,balse laamaha amaanka magaaladda Beledweyne ayaa markii dambe gacanta kusoo dhigay.

