War deg-deg ah: Dil ka dhacay Magaalada Dhuusamareeb

0

Wararka aynu ka helayno  magaalada dhuusamareeb ee xarunta gobalka Galgaduud ayaa ku warramaya in goor dhaweyd uu halkaasi dil ka dhacay.

Waxaa la sheegayaa in gudaha magaaladaas dil loogu gaystay Askari ka tirsan ciidanka dowladda federalka Soomaliya, sida ay inoo sheegeen dad goob joogayaal ah waxaa Askarigan dilka u gaystay Askari ka tirsan Ilaalada Sanoter Yuusuf Geelle Ugaas Dhageey oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Ciidanka dowladda ayaa ku baxay halkii dilku uu ka dhacay, waxaana ay kasoo qaadeen goobtii dilku ka dhacay maydka Marxuumka la dilay.

Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Ciidanka dowladda oo ay uga hadlayaan dilka loo geystay Askariga ka tirsanaa Ciidanka, kaasi oo uu toogtay Askari kale oo kamid ahaa ilaalada Sanoter Yuusuf Geelle Ugaas Dhageey.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here