War Deg Deg:-Qarax Lagu Dilay Taliye Abdikaadir Nuurow.

0

Faah-Faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax ka dhacay Deegaaanka Xaawa-Cabdi ee Duleedka Magaaladda Muqdisho.

Qaraxa oo Miino ahaa ayaa lala eegtay gaari uu la socday Allaha u naxariistee Taliyihii Booliska Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeeladda Hoose Marxuum Abdikadir nuurow.

Goobjoogayaal ayaa inoo sheegay in Miino ay burburisay gaarigii uu la socday Taliyaha,islamarkaana uu halkaas ku dhinteen Taliyaha iyo qaar kamid ah ilaaladiisa.

Ma jirto cid sheegatay Mas’uuliyadda qaraxa lagu dilay Taliyihii Booliska Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeeladda Hoose Marxuum Abdikadir nuurow.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here