Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay In ay dileen amiir ka Tirsanaa Xarakadda Al-shabaab.
Howlgalkaan ayaa ka dhacay deegaano hoosyimaadda Deegaanka janaale ee Gobolka Shabeelaha Hoose.
Amiirka la dilay ayaa lagu magacaabi jirey Muxudiin Sheekh Cabdi (Al Ansaari).
General Cabdixamiid Maxamed Dirir, Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka ayaa sheegay in amiirka la dilay uu ahaa madaxii Shabaab ugu magacawnaa deeganadda Janaale iyo Awdheegle ee Gobolka Shabellaha Hoose.
Sidoo kale General Cabdixamiid Maxamed Dirir, Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka ayaa sheegay in ciidamadda Xoogga ay sii wadi doonaan howlgaladda lagula dagaalamo Al-shabaab,ayna qorshahooda yahay la wareegitaanka deegaanka toora-toorow.

