Faah-Faahin:-Qaraxyo iyo Rasaas Laga Maqlay Magaaladda Muqdisho

0

Faah-Faahino dheeraad ah ayaa laga helayaaa qaraxyo abaare 03:00AM laga maqlay Magaaladda Muqdisho.

Qaraxyadda oo gaarayay ilaa 5 ayaa ka dhacay Wadada Maka Al-Mukaramah ee Magaaladda Muqdisho,waxaana xigay Rasaas xoogan.

Qaraxyadda ayaa lala beegsaday baalooyinka Cameerooyinka CCTv-yadda lagu xiray ee wadada Maka-Almukaramah lagu dhajiyay.

Dhanka kale Hay’adaha ammaanka ayaa xaqiijiyay inay ku daba jiraan, islamarkaana gacanta ku soo dhigi doonaan rag qaraxyo la beegsaday ilaa 4 baalle oo Camerooyinka CCTV-ga ay ku xiran yihiin, aagga wadada Maka Al-mukarama.

Al-Shabaab ayaa inta badan Sheegta qaraxyadda lagu burburiyo baalayaasha Cameeroyinka layu xiro.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here