Darawal Mooto Bajaaj oo Lagu Dilay Magaaladda Muqdisho

0

Askari ka tirsan Ciidamadda Dowladda Federaalka Soomaaliya,ayaa xalay Magaaladda muqdisho ku dilay Darawal Mooto Bajaaj.

Dilkaan ayaa ka dhacay Wadada Ceel Tubaweyne ee hormarta Saldhiga Booliska Degmada Yaaqshiid.

Goobjoogayaal ayaa inoo sheegay in askar ka Tirsan Ciidamadda Dowladda ay fuliyeen dilka,islamarkaana ay xabado ku fureen darawalka xili uu ku sugnaa meel ku dhow xarunta Degmadda.

Waxa ay sheegeen goobjoogayaasha in askarta ay Wadaha mooto Bajaaj ay ku wargaliyeen in uu ka laabto waddo uu ku yimaaday,balse uu diiday taasina ay keentay in xabado ku furaan,uuna goobta ku geeriyooday.

Meydka Darawalka Moooto Bajaajka ayaa goobta laga qaaday waxaa goobta isaga baxsaday ragii dilka fuliyay.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here