DFS oo Ka Hadashay Nin Looga Shakiyay Carona-Virus oo Muqdisho Yimid

0

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay nin looga shakisan yahay Cadurka Coronvirus kaasi oo maanta yimid Magaaladda muqdisho.

Muwaadinkaan oo ka yimid dalka China ayaa Addis Ababa ka soo raacay dayuurada Ethiopian Airlines oo ka soo dejisay garoonka Aadan cadde.

Qoraalka ka soo baxay Wasaarada Caafimaadka ayaa lagu sheegay in muwaadinkan Soomaaliyeed uu ka yimid dalka Shiinaha haatana lagu hayo goob gaar ah oo lagu ogaanayo xaaladiisa caafimaad.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here