Wafdi kasocda dowladda kenya ayaa soo gaaray magaalada muqdisho ee caasimadda dalka Somalia waxaana si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada muqdisho.
Wafdigan kasocda dowladda kenya waxaa hogaminayay wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga dowladda kenya ninka lagu magacaabo Fred Matiang’I oo ay wehlinayeen saraakiil sare oo katirsan dowladda kenya kuwaasi oo maanta soo gaaray magaalada muqdisho.
Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga dowladda kenya Fred Matiang’I ayaa kahadlay ujeedka socdaalk wafdiga uu hogaaminayo waxa uuna bartiisa tuwiitarka kusoo qoray sidan “kadib mowjado amni darro iyo caqabado muddooyinkii lasoo dhaafay kasoconayay xadka waddama kenya iyo Somalia,qaar kamid ah saraakiil sare oo katirsan sowladda kenya iyo aniga ayuu madaxweyne uhuru Kenyatta inoo soo diray Somalia si aan ulakulanno madaxweynaha Somalia maxamed cabdullahi farmaajo”.
Si walbaba ha ahaatee dhawaan ayay aheyd markii madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Somalia maxamed cabdullahi farmaajo iyo dhigiisa dalka kenya Uhuru Kenyatta ay qadka taleefanka kuwadahadleen isamarkaana ay isku afgarteen in ladajiyo xiisadda kataagan xadka waddamada kenya iyo Somalia.

