Wafdi Ka Socda Dowladda oo Dhuusamareeb Ku wajahan

0

Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Dowlad Goboleedka Galmdug ayaa  waxaa ku  Wajahan wafdi uu hoggaaminayo wasiirka dastuurka ee xukuumadda Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac.

wararku waxaa ay sheegayaan in uu qayb ka yahay wafdiga Guddoomiyaha gudiga dastuurka ee Baarlamanka Soomaaliya Senator Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid.

Waxaana si weyn Magaalada Dhuusamareeb looga dareemayaa qaban-qaabada  shir looga hadlayo Ololaha Wacyigelinta ee dib-u-eegista Dastuurka, si sare loo qaado ogaalka bulshada ee ku aadan dib-u-eegista dastuurka iyo in ay aragti ku yeeshaan arrimaha dib-u-eegista dastuurka.

Wasiirka Dastuurka ayaa horay waxaa u u gaaray intabadan xaruumaha dowlad Gobaleedyada ka jira dalka, iyadoo shirar ku saabsan Ololaha Wacyigelinta ee dib-u-eegista Dastuurka  uu la yeeshay madaxda Maamulk Gaboleedyada iyo shacabkoda

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here