Macalin Maxamuud oo Garoowe Gaaray.

0

Macalin Maxamuud Shikh  Xasan Faarax ayaa gaaray Magaalada Garoowe ee xarunta Gobalka Nugaal, hoggaamiyaha oo xalay hoyday Gaalkacyo ayaa u anba-baxay Garoowe iyadoo halkaas lagu soo dhaweeyay.

Waxaa uu kulan la qaadan doona sida la sheegay qaar ka mid ah Culumaa’u diinka ku sugan Garoowe

Hoggaamiyaha ayaa dhawaan isku dhiibay dowladda Soomaaliya, waxaana meesha ka baxay gabi ahaanba awooddii maamul ay ku lahaayeen dowlad Goboleedka Galmudug.

Wararka qaar ayaa sheegaya in shiikhu uu u safri doona dibada, waxaana uu ku wajahan yahay in uu u anba-baxo Dalka Sucuudiga.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here