Hogaamiyaha Ahlusuna iyo Shiikh Shaakir oo isku Dhiibay Ciidamadda Dowladda

0

Wararka ka imaanaya Mgaaladda Dhuusa-mareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug ayaa ku waramaya in ay is dhiibeen Hogaamiyaha Ahlusuna Waljameeca Macalin Maxamuud Shiikh Xasan Faarax, ,Shiikh Axmed Shaakir Cali Xasan iyo Ciidamadii Ahlusuna ee ku sugnaa xarunta Inji.

Wararka ayaa sheegaya in Taliyaha qaybta 21-aad Generaal Mascuud iyo saraakiil sare oo qaybta ka tirsan ay ka soo saarey xerada Inji kadib markii ay dalbadeen in laga joojiyo xabadda.

Ciidamadii Ahlusuna Waljameeca iyo gaadiidkii dagaal ee Xerada ku jiray kuwaasi oo ahlusuno laheyd ayaa iyaguna si buuxda ugu wareegay dhanka Dowladda Soomaaliya.

Xaalada Magaaladda Dhuusa-mareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa saakay dagan,waxaana amniga magaaladda la wareegay ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya.

24-kii saac aynu soo dhaafnay Magaalooyinka Dhuusa-mareeb iyo Guriceel waxaa ka dhacay dagaalo geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here