Duqeyn dhinaca cirka ah oo sugan, ayaa lagu dilay hogaamiye ka tirsan Alshabaab, oo lala xiriirinayo weerarkii Manda Bay ee lagu dilay askar Alshabaab la dagaalanta, oo Maraykan ah.
Duqeynta kadib, ayaa lagu xaqiijyey baaritaan in mid ka mid labadii ruux ee lagu dilay weerarkii qorsheysnaa ee ka dhacay meel u dhaw magaalada Saakow ee Jubbada Dhexe 22-keedii Febraayo uu ahaa shaqsi lala xiriirinayo weerarkii Alshabaab ee Manda Bay, Kenya.
Shaqsiga la dilay, ayaa lagu yaqaanay in uu madax ka ahaa qorshaynta iyo agaasinka hawlgalada Al-shabaab ee xuduudda Kenya, waxaana ka mid ahaa kii dhawaan ka dhacay Manda Bay.
Ninka labaad, ayaa xaaskiisu ay ahayd xubin firfricoon oo xeeladeedu sareyso oo ka tirsan Alshabab, iyadoo mas’uul ka ahayd fududeynta hawlgalo argagixiso oo baahsan.
Weerarkaan, ayaa muujinaya in laga guuleysan doono Al-shabaab, iyadoo aan loo eegayn jinsiga (lab iyo dheddig), ee kooxda argagixisada AlShabab ee caadeystay weerarka dadka Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan.
Dowladda Federaalka Soomaaliya, Taliska Ciidanka Dowladda Mareyka ee AFRICOM iyo AMISOM, waxay sii wadi doonaan tallaabo ka qaadidda Alshabaab, si looga horjoogsado in ay qorsheeyaan ama fuliyaan weeraro, gaar ahaanna laga hortago weerarada ay u geystaan ragga, dumarka iyo caruurta Soomaaliyeed.
Horumar la taaban karo, ayaa laga gaaray Soomaaliya, kaasoo aan dib looga laaban doonin.

